1. Geedi-socodka Qasnada Dhexe ee Degaanka (Regional Treasury)

Geedi-socodkani waa geedi-socodka u taagan maamulka & maaraynta lacagta & kharashka miisaaniyadda Deegaanka sida: – Hubinta Xisaabaadka, siidaynata Lacagaha & Maamulka Lacagaha kaas oo ku salaysan cadcadaan, Adeeg hufan oo tayo leh & natiijo, isla-markaasna isticmaalka maaliyaddana ka ilaaliya nidaam keeni Kara dhaqaale burbur. Sidoo kale, Geedisocodku wuxuu tababaro ku wajahan nidaamka maraynta maaliyada; haday tahay dhinaca maraynta lacagta cadaanka ah, hanaanka diwaan galinta dhaq-dhaqaaqyada lacagta, dakhli ururinta iyo kharash bixinta dawlada, tayaynta diyaarinta iyo so koobida iyo warbixinada macluumaadka maaliyada. iyadoo taas ka duulaysa ayay waaxdu siisaa Tababaro Kobcinta awooda fulineed ee Heerarka Kala Duwan ee Cududa Maaraynta Maaliyada Dawlada, si fahan buuxa uga helaan Qaab-shaqeedka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha; gaar ahaan dhinacyada Maaraynta Lacagta Cadaanka ah, Xidhiidhka Bangiga iyo Dib u habaynta Akawnada Dawlada, nidaamka kharash bixinta, xisaabaadka iyo Diyaarinta warbixino dhamaystiran isla wakhtiga ku haboon. geedisocodkani wuxuu ka kooban yahay sadex Geedi-socod hoosaad oo kala ah:

I. Geedi-socod Hoosaadka Kharashbixinta ee Qasnada Dhexe

Geedi-socod hoosaadkani wuxuu had iyo jeer ku hawlanyahay Siidaynta, Maaraynta & Diwaangalinta lacagaha guud ahaan heerarka kala duwan ee deegaanka sidoo kale ururinta faah-faahinta xogta maaliyadda diyaarinta baahida lacagta deegaanka go’aaminta xadka siidaynta kharashka & wargalinta Bangiga & Xafiisyada leh lacagta.

II. Geedi-socod hoosaadka Maamulka Lacagta cadaanka ah ee Qasnada Dhexe

Geedi-socod hoosaadkani wuxuu had iyo jeer ku hawlanyahay Diyaarinta iswaafajinta lacagta maaliyada ka baxday & Bangiga, heerka lacagta ee maalin kasta (Daily cash position) & warbixinta isticmaalka miisaaniyada (budget utilization report) ee deegaan.

III. Geedi-socod hoosaadka Xisaabaadka ee Qasnada Dhexe

Geedi-socod hoosaadkani wuxuu had iyo jeer ku hawlanyahay diyaarinta, hubinta isku dubaridka iyo dirida dhamaan warbixinada isticmaalka miisaaniyada ee guud ahaan heerarka kala duwan ee deegaanka.

2. Hab-dhaqanka shaqo ee Qasnada Dhexe ( Regional Treasury core values)

hab-dhaqankan shaqo ee geedis socodku waxa uu sicad u bayaamiyaa ama ushaaciyaa sida laga doonayo in uu u dhaqmo midkasta/qof kasta oo kamid ah shaqaalaha geedi socodka muhiimka ah ee qasnada dhex.

  •  Mudnaanta Qanaca Macaamiisha(Customer Satisfaction first)
  •  Ka-go’naansho& Isbadal-doon (Commitment & Change-oriented)
  •  Cadcaddaan& Isla-xisaabtan (Transparency& Accountability)
  •  Sareynta Sharciga (Rule of Law)
  •  Kaqabgalka Bulshada (Community Participation)
  •  Aaminnimo (Trustworthiness)
  •  Wada-shaqayn/iskaashi (Collaboration)
  •  Mudnaanta Qanaca Macaamiisha (Customer Satisfaction first)

Waxaan u heelan nahay in aan adeeg hufan oo tayo leh bixino si aan u qancino macaamiishayada hawlaha hormarineed ee aan qabanayno waa in ay noqdaan kuwo kor-uqaadaadeega iyo faa’iidada aan macaamiisha ufidinayno. Hadaba, mudnaanta koowaad waxaan siinaynaa qancinta macaamiishayada anagoo kaduulayna hadafkayaga iyo himiladayada waxaan u heelanahay in aan sare uqaadno adeega & qancinta macaamiishayada anaga oo ka duulayna baahida & xaalada dhabta ah ee macaamiishayada kuna dhaqmayna shurucaha kala duwan ee u dajisan maraynta maaliyada iyo adeeg bixinta.

  • Ka-go’naasho and isbadal-doonnimo (Commitment & Change- orientedness)

Ka sokow carqaladaha iyo dhibaatooyinka lala kulmi karo, waxaan muujinaynaa adkaysi, dulqaad, cadcadaan waxaanuna u shaqaynaynaa si hagar-la’aan ah oo dadaal wax-ku-ool ah ku

dheehan yahay. Haddaba, si aan u gaadhno hadafkayaga,waxaan dajinaynaa qaabab cusub isla markaana waxaa naga go’an taabogalinta isbaddaltoggan oo wax-ku-ool ah kaas oo horseeda

waxkabdalka nolosha bulshada.

  • Cadcaddaan& Islaxisaabtan (Transparency& Accountability)

Waxaan diyaar unahay inaan kushaqayno cadcaddaan iyo islaxisaabtan taasoo kadhigaysa hawlaha aan bulshada uqabaynayno mid aan madmadaw kujirin keenina karta habdhaqan wanaagsan oo ka dhex abuurma shaqaalaha taasoo horseedikarta in lagaadho ujeedooyinka iyo yoolasha ladhigtey.

  • Sareynta Sharciga (Rule of Law)

Waxaa nagu waajib ah islamarkaana xilnaga saaran ah ku dhaqanka, xurmaynta, hirgalinta iyo u

hogansanaanta saraynta sharciga.

  • Kaqaybgalka Macamiisha iyo Bahwadagta

Si dhidibada loogu aaso loona gaadho horumar waara oo wax-ku-ool ah, waxaa lagama maarmaan ah in kor looqaado kaqaybgalka bulshada. Haddaba si looga midha-dhaliyo hadafka iyo himilada waaxda iyadoo lagaqaybgalinayo Macamiisha iyo Bahwadagta, waa in la dajiyo nidaam sahlaya helida xogta dhabta ah & kaqaybgalka Macamiisha iyo Bahwadagta ee dhammaan arrimaha maraynta maaliyada iyo adeeg bixinta ee ku wajahan bulshada.

  • Daacadnimo (trustworthiness)

Waxaan xaqiijinaynaa isu-dulqaadasho iyo daacadnimo aad u saraysa si aan u xoojino kalsoonida macaamiisha, geedi-socodada & bah-wadaagta(hay’adaha dawliga ah & kuwa aan dawliga ahayn) anaga oo bixinayna adeeg hufan,tayo leh oo wax-ku-ool ah.

  • wada shaqayn/iskaashi(collaboration)

waxaan suura galinaynaa jawi wanaagsan oo wada shaqayneed/iskaashi oo dhexmara dhamaan geedi hosaadyada waaxda, geedi-socodada xafiiska & dhamaan macaamiishayada si loo helo aragti mideysan oo hirgalisa hadafka iyo himilooyinka maraynta maaliyada iyo adeeg bixinta ee ladoonayo in bulshada lagugaadhsiiyo horumar waara.

3. Qeexida u balanqaadka macaamiisha (Customer Values Proposition)

1. Sifooyinka (Attributes)

  • Gaadhsiinta adeeg tayo sare leh
  • Isticmaalka qalabka casriga ah
  • Siinta macaamiisha adeeg deg-deg ah
  • Wakhtiga sugidda adeegga oo kooban/yar

2. Xidhiidhka (Relationship)

  • Mudnaanta Macaamiisha
  • Kaqaybgal iyo iskaashi (participation and cooperation)
  • Hogaamin adeeg-bixineed (servant leadership)
  • Xidhiidh wakhti-dheer
  • Si fudud u helida xogaha warbixineedee kala-duwan

3. Muuqaalka/Sumcadda (Image)

  • Xaqiijinta nidaam maaliyadeed oo wax ku oola ( Ensure sound and effective financial management system)
  • La-xisaabtan (Accountability)
  • Sareynta Sharciga ( Rule of Law)
  • Aaminnimo ( Trustworthy)
  • Ka-go’naansho (Commitment )
  • Caddaalad (fairness)
  • Dhex-dhexaadnimo (impartiality)

4. Faahfaahinta istraateejiyadaha iyo natiijooyinka geedi socodka ee mudnaanta leh

  • Udubka Istiraatijiyadeed: Maamulka, Maaraynta & Xakamaynta Maaliyada deegaanka.
  •  Natiijada: – Maaliyada & Khayraadka horumarka oo looga faa’idaystay sida ugu haboon oo wax ku ool ah.

Horumar kasta oo la gaadho wuxuu ku xidhanyahay qaabka/ nidaamka loo maamulo, maareeyo maaliyada & khayraadka. Haddaba, maadaama oo maaliyada & lacagta cadaanku fure u yihiin hirgalinta & dhaqaajinta qorshe hawleed kasta, waa in loo isticmaalo loona maareeyo si ay ku jirto/ ku dheehan tahay xilkasnimo, cadcadaan, isla xisaabtan & tashiilid. Sidoo kale, waa in la raacaa lana hirgaliyo Nidaamka, Awaamiirta, Bayaannada & Shuruucda Maamulka Maaliyadda & Maareynta & xakamaynta lacagta cadaanka ee Dawladda si loo gaadho hadafka & himilada geedisocodka, xafiiska iyo ka deegaankaba.

Close Menu